7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 4 , 2023
Ciidamada Dowladda oo ka hortagay weerar qaraxyo ah oo ay qorsheynayeen Al-shabaab
 

Talaado, Luulyo, 4, 2023 (HOL) - Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kumaandooska Gorgor,  ayaa howlgal gaar ah waxa ay ka sameyeen Deegaannada kala Ceel- xaaji  iyo Ceel dhiigtaar, oo hoostaga Degmada Galcad ee katirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada ayaa howlgalkooda waxa ay ku fashiliyeen weerar qaraxyo ah oo malegayeen Kooxda Al-shabaab, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Ciidanka Gogor ee Xoogga Dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ururka 7-aad ee Kumaandooska Gorgor,  Dhamme Mahad Imaan oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda, ayaa sheegay in  howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana Ciidanka ay kaga hortagayeen Minooyinka ay  Kooxdu ku aastay Wadooyinka ay isticmalaan Shacabka, sida uu hadalka u dhigay Taliyaha Ururka 7-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay in howlgalka ay sii wadi doonaan Ciidanka, isla markaana shacabka Deegaannada uu ka socdo howlgalka ugu baqayeen in ay la shaqeyaan Ciidanka Xoogga Dalka .

Sikastaba Howlgalkan ayaa qeyb ka ah Gulufka Ciidan oo ay Dowladdu kawado Deegaannada ay Al-shabaab, kaga sugan yihiin qaar kamid ah Gobollada Dalka.