7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2023
Madaxweyneyaal hore Sheekh Shariif iyo Waare oo ka hadlay xiisada u dhaxeysa Xawaadle iyo Abgaal
 

Talaado, Luulyo, 4, 2023 (HOL) - Madaxweynahii hore ee dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynahii hore maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta shir jaraa'id si wadajir ah u qabtay ayaa ka hadlay xiisad beeleed ka taagan deegaanka Xalfooleey.

Madaxweynayaashii hore ayaa ugu horeyn si adag uga hadlay xiisada colaadeed ee ka dhex aloolsan beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo isku haayo lahaanshaha deegaanka Xalfooleey.

Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in colaada haatan ka dhex jirta beelaha Xawaadle iyo Abgaal iney tahay mid aan loo baahnen waqtigaan, islamarkaana loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadda.

"Dagaal waqtigaan looma baahna waa in laga shaqeeya nabad ku wada noolaashaha dadka iyo deegaanka, hal dagaal ayaa dadka Soomaaliyeed ku furan ee hada looma baahna in mid kale la furo, dadka Masaajidada gubaya oo dugsi quraankii gubaya oo nolosha ku dhibay dadkeena ee Al-shabaab ayaa dagaal inooga baahan" ayuu yiri Madaxweyne hore Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynahii hore ee dowladdii ku meel gaarka aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhankiisa ka hadlay colaada ka jirta deegaanka Xalfooleey ayaa sheegay inaan loo baahneen inuu dagaal beeleed ku dhinto wiil Soomaaliyeed.

"Walaalayaaloow dagaal Shabaab ayaa inooga baahan wiilasha hada u diyaarsan dagaal beeled waxaan leeyahay kuwa na dhibaya ayaa xabad idinka baahane dhankaas xabada u leexiya, madaxweynaha dowladda Fedaraalka iyo Cali Guudlaawe wan kala hadlay wax ka qabashada xiisada taagan, waxa la isku hayo waa la yaqaan dadkii dadkaan is haya dhaqi jirayna waa joogaan ee arinta waa in laga hortaga dhibaatada ay keeni karto xiisada  coladeed, Hadaa rag tahay oo tabar heysid dagaalka Shabaab aad, mid kale inuu dad nooga dhinto ma dooneyno, waxa la isku yahay sheegis uma baahna" ayuu yiri Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif oo sidoo kale si kooban uga hadlay khilaafka ka dhashay xilka qaadistii Cali Jeyte Cismaan ayaa ku baaqay in wax walba wada hadal lagu dhameeyo, islamarkaana wixii xun farta lagu wada fiiqo si looga gudbo caqabadaha jira.