7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 4 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan kula qaatay xaruunta madaxtooyada Madaxweynahii hore Sheekh Shariif

Talaado, Luulyo, 4, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada qaranka Madaxweynahii hore ee dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay madaxweynahii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed dadaaladda dowladdiisa ay ku bixineyso howlaha dib u xureynta ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku ciribtirayaan Ururka Al-shabaab.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa uga mahadceliyay madaxweynaha dowladda fedaraalka kulanka wadatashiga ah iyo soo dhaweynta uu ugu sameeyay xarunta madaxtooyada qaranka Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo Midnimo, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada dalka.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumaad u fidiyay saamileyda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xubnahii ay ka wada tirsanayeen Midowgii Musharaxiinta ahaa xiligii dowladdii Farmaajo.