7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 4 , 2023
Baarlamaanka Ingiriiska oo loo gudbiyay sharci lagu doonayo in lagu aqoonsado Somaliland

Talaado, Luulyo, 4, 2023 (HOL) - Xildhibaanno katirsan aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa golaha u gudbiyay sharci ay doonayaan in Somaliland lagu aqoonsado.

Xildhibaan Gavin Williamson, oo gadhwadeen u ah xildhibaannada dabada ka riixaya aqoonsiga Somaliland, ayaa golaha ku booriyay in uu hogaanka u qabto ka miro dhalinta aqoonsiga Somaliland.

"Hadii anay dowladu doonayn in ay talaabo qaado, inagu aynu hogaanka qaadano, hadii ay dowladu ka caga jiidayso aqalkani ha qabto, aynu abaal marino kuwa samaynaya wixii looga baahnaa, waddan buuxiyay dhamaan shuruudihii dowladnimada" ayuu yidhi Williamson.

Waxa uu sheegay in aqoonsi Somaliland la siiyo uu sahlayo in 5.7 milyan oo reer Somaliland ah codkooda la maqlo, oo ay nolol fiican helaan, waxaanu sheegay in Somaliland ay u taagantahay xoriyad iyo dimuquraadiyada.

Williamson ayaa guddoomiye ku xigeen ka aqalka u sheegay in xildhibaano uu isagu ku jiro, oo uu uu magacyadooda golaha ka dhex akhriyay ay soo diyaarin doonaan sharciga aqoonsiga, si golaha loo horkeeno, waxaana loo balamay in laga doodo 24 bisha December ee sannadkan.

Xildhibaan Williamson ayaa in mudo ah dabada ka riixayay in aqalka Baarlamaanka Ingiriisku uu si buuxda uga doodo aqoonsiga Somaliland.