7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 4 , 2023
Booliiska Soomaaliya oo sheegay in eedeysanayaal loosoo xiray hoobiyayaal lagusoo garaacay Muqdisho
 

Talaado, Luulyo, 4, 2023 (HOL) - Ciidamada amniga Dowladda federalka ayaa  hal qof oo ku eedeysane usoo qabtay hoobiyayaal saakay waaberigii lagusoo tuuray magaalada magaalada Muqdisho.

Hoobiyayaashan ayaa geystay khasaaraha dhimashada Aabbe iyo 4 kamid ah carruurtiisa ah oo ku geeriyooday mid kamid ah hoobiyayaasha oo gurigooda ku dhacay.

Afhayeenka ciidanka booliiska, Saddiiq Doodishe ayaa sheegay in ciidanka amnigu ay howlgal ka sameeyeen xaafadda Barwaaqo ee degmada Deyniile, halkaas oo uu sheegay in lagasoo tuuray hoobiyayaasha, sidoo kalena eedeysanaha koowaad lagasoo qabtay.

Sadiiq Doodishe wuxuu sheegay in goobta lagasoo tuuray lagasoo helay haraadiga hoobiyayaasha iyo dhowr xabbo oo kale oo aan weli la isticmaalin. Wuxuu sheegay in booliiska sidoo kale uu xiray saddex qof oo laga shakisan yahay.

Aabbaha dhalay marxuumka geeriyooday ayaa sheegay, wiilkiisu inuu ahaa macalin dugsi quraan, sidoo kalena masaajiddada uu ka aqrin jiray muxaadarooyinka. Wuxuu sheegay saakay salaadii subax iyagoo jiifa in madfac uu ku habsaday gurigooda.