7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 5 , 2023
Ciidamo badan oo loo diyaariyay dagaalka Al-shabaab oo lagu soo bandhigay gobolka Hiiraan

Talaado, December, 5, 2023 (HOL) - Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidanka difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta fagaare ku yaala duuleedka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan kula hadlay boqolaal ciidamo cusub oo Macawiisleey ah oo ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Hoggaamiyaha ciidanka difaaca dadweynaha ahna madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Jeyte Cismaan ayaa ciidamadaan cusub kula dardaarmay iney u midoobaan dagaalka dalka looga ciribtiraayo Ururka Al-shabaab ee haatan markale ka bilawday gobolka Hiiraan.

"Waxaan u baahanahay inaan cadawga u midowno oo aan dalka ka ciribtirno, dadkii howshas qaban lahaana waa adinka, guul walba oo la gaaro cida ka dambeysa waa adinka ee mahan mid Cali Jeyte kaligiis uu keenay, shalay waxaan la damqaday askari ciidanka deegaanka ah oo kab dacas ah uu watay ay ka go'day iyadoo dhul dhagax lagu dul socdo, wuxuu ahaa nin geesi ah oo cadawga lee uu muuqday, marka waxan leeyahay kuwa nagu dhex jira ee shabaab kalkaalka ah hada sii baxa oo iyaga aada waan idinla soconahe" ayuu yiri hoggaamiye Jeyte.

Gobolka Hiiraan ayaa ahaa gobolkii ugu horeeyay oo kooxda Al-shabaab ay kala kulmeen kacdoon dadweyne sanadkii lasoo dhaafay, kaasoo markii dambe si weyn ugu faafay dhamaan gobolada kale ee dalka, iyadoo markaasi Shabaab laga saraay guud ahaan bariga gobolka Hiiraan.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka oo kaashanayay kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen tuulada Helo Bacaad oo hoostagta degmada Halgan howlgal lagu dilay in ka badan 60 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.