7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 5 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay xoogga saarayso xoojinta ciidamada, ka dib markii laga qaaday cunaqabataynta
 

Talaado, December, 5, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saari doonta sidii loo tayeyn lahaa ciidamada qaranka ka dib qaadista cunaqabateynta hubka ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay la taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaakiya, Xuseen Macallin Maxamuud, isagoo intaa ku daray dalku inuu haatan haysto fursad qumman oo looga adkaan karo Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed uu soo saaray la taliyaha amniga qaranka ayuu ku sheegay in dalka uu maalgashi ku samayn doono ciidamada qaranka, si looga dhigo kuwo karti u leh maaraynta arrimaha amniga Soomaaliya.

“Qaadista cunaqabateynta hubka waxay awood u siinaysaa dowladda Soomaaliya inay dhisto oo ay xoojiso ciidamadeeda ammaanka. taas oo lagama maarmaan u ah ilaalinta xasiloonida iyo la dagaalanka kooxaha xagjirka ah,” ayuu yidhi taliyuhu.

"Awoodda la kordhiyey kaliya kama caawin doonto ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, balse waxay sidoo kale gacan ka geysan doontaa xasilloonida gobolka, ka hortagga falalka amni darro iyo rabshadaha ka dhaca xuduudaha,” ayuu hadalkiisa ku daray la-taliyaha dhinaca ammaanka ee madaxweynaha Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa saarnaa cunaqabateyn dhanka hubka ah tan iyo 1992-kii, waxaana markii hore lagu soo rogay in ay jawaab u noqoto dagaaladii sokeeye iyo xaaladda bini'aadantinimo ee dalka oo sii xumaanaysay xilligaas. Tani waxay ka dambeysay markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dowladddii milateriga ahayd ee Siyaad Barre.

Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib, waxaa cirka isku sii shareeray colaadda Soomaaliya, waxaana ka dhashay rabshado baahsan iyo barakac baahsan.

Ujeedada koowaad ee cunaqabataynta hubka ayaa ahayd in la yareeyo qulqulka hubka ee Soomaaliya lagana hortago in colaadda ay sii xumaato.