7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 5 , 2023
Maamulka gobolka Hiiraan oo soo saaray amar culus oo ku socda gaadiidka waa weyn
 

Talaado, December, 5, 2023 (HOL) - Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay hoos u dhac laga dareemay biyaha wabiga Shabeelle oo bishii hore bilaawgeedii ku fatahay xaafadaha Baledweyne ayaa maamulka gobolka Hiiraan waxa uu soo saaray maanta amaro cusub.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa soo saaray amaro uu sheegay in lagu ilaalinayo badqabka wadada laamiga ah ee gudaha magaalada Beledweyne oo ay halakeeyeen biyaha wabiga shabeelle, islamarkaana meelaha qaar burbur xoogan uu kasoo gaaray wadada laamiga ah.

"Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa soo saaray awaamiir looga joojinayo gadiidka Culus Sida Cagafyadda, iyo nuucyada gadiidka xamuulka ah Ee culus iyo wax walbo oo sameeyn ku yeelan karo Inuu burburo laamiga ,waxaana amaraddan la faray Sidoo kalane  dhaqan-geliyey laamaha amniga isla Maanta. laamiga oo danguud ah waa in masuuliyad caam ah leeyska saaro in laga ilaaliyo gadiidka culus ee sameeynta ku yeelan karo , hadii aay isticmaalan xiligaan oo u Jilicsanyahay." ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa faray laamaha amaanka ee Booliiska iyo Nabadsugida iney si deg deg ah u dhaqan galiyaan amaradaan lagu dhowrayo badqabka wadada laamiga ah, islamarkaana cidii ka hortimaada amarka ay ka qaadaan talaabo sharci ah.

Amarkaan kasoo baxay maamulka Hiiraan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo saakay gaadiidka nooca loo yaqaano Cagaf cagafta ay bilaawday iney isticmaalka wadada laamiga ah, kadib markii ay hoos u dhac bilaabeen biyaha wabiga Shabeelle ee ku fatahay dhamaan xaafadaha Baledweyne.