7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 5 , 2023
Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo hal milyan oo dollar ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha
 

Talaado, December, 5, 2023 (HOL) - Hay'adda samafalka Hormuud Salaam Foundation ayaa π‡πšπ₯ 𝐌𝐒π₯𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐨π₯π₯𝐚𝐫 ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha ka dhacay qaar ka mid ah Gobollada Dalka.

Waa gargaarkii ugu ballaarnaa ee ay bixiso hay'ad waddani ah. Iyadoo horey Hormuud Salaam Foundation ay gacanta uga geysteen abaarihii ugu dambeeyay ee dalka.

Shir jaraa’id oo uu qabtay guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusmaan, ayaa sheegay inay salaam Bank iyo Hormuud dhibaatada la qeyb sanayaan dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay si degdeg ah lacagtaas u gaarsiin doonaan dadka ay saameeyeen fatahaaduhu, isagoo sheegay inay si dhow ula socon doonaan xaaladda ay ku sugan yihiin dadkaas.

Taakulada lacageed ee hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa kusoo beegantay, iyadoo in ka badan hal milyan oo qof oo Soomaaliyeed ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha ka dhashay roobabka Dayrta.

Sida ay sheegtay UNOCHA, 30% kamid ah dadka ay waxyeeladu gaartay ayaa kaliya helay gargaar, halka 70% ay weli u baahan yihiin in ay helaan gurmad degdeg ah. Waxayna dhibaatadu u badan tahay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.