7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 5 , 2023
Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Baay
 

Talaado, December, 5, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay gobolka Baay.

Howlgalka lagu dilay horjoogahaan oo lagu magacaabi jiray Xuseen Caddoow Jilib gaab oo Al-shabaab u qaablisanaa baada shacabka ku nool gobalada Baay, Bakool iyo Gedo ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Mooda moode iyo Daynuunaay ee gobolka Baay.

Taliyaha Ururka 47-aad guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Nuur Dhegeey ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in holwgalka ay ku dileen Horjooghaan oo uu tilmaamay inuu ahaa shaqsi si weyn u dhibaateyn jiray shacabka deegaanada Baay, Bakool iyo Gedo.

Taliye Axmed Nuur Dhageey ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada qorsheyaan ee noocaan oo kale ah ay sii wadayaan ciidamada inta Al-shabaab ay ka saarayaan guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Baay iyo Bakool.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidamada dowladda sidaan oo kale ay howlgal qorsheysnaa ay ku dileen Horjoogahii kooxda Al-shabaab u qaabilsan dhanka baada gobolka Mudug, kaasoo lagu magacaabi jiray Nadaara.