7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 5 , 2023
Machadka SORDI oo soo bandhigay cilmi baaris ku saabsan caafimaadka hooyada & dhallaanka Soomaaliyeed


Talaado, December, 5, 2023 (HOL) - Machadka Cilmi-baarista iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee (SORDI), ayaa magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay cilmi-baaris ku saabsan caafimaadka hooyada iyo dhallaanka dalka Soomaaliya.

Machadka SORDI oo gacan ka helaya ha’yadda kaalmada dibada ee Britain (UK Aid), hay’adda International Rescue Committee (IRC) iyo Jaamacadda Johns Hopkins ee Maraykanka, ayaa soo saaray cilmi-baarista oo socotay muddo labo sano ah.

Agaasimaha Machadka SORDI, Prof. Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar, ayaa sheegay in mashruuca cilmi-baarista lagu magacaabo EQUAL, taas oo muddo shan sannadood ah ka soconeysa dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo DR Congo.

“Ujeedada laga leeyahay ayaa ah in mashruuca uu soo saaro xog cilmiyeysan iyo in aqoon lagu saleeyo go'aannada iyo siyaasadaha loo dejinaayo wax-ka-qabashada dhibaatooyinka caafimaad ee heysta hooyada iyo dhallaanka ee ku nool dalalkaas," ayuu yiri Prof. Dalmar.

Agaasimaha Machadka, ayaa xusay in daraasada ay si faahfaahsan uga hadleyso xaaladda caafimaadka hooyada iyo dhallaanka yar yar ee Soomaaliyeed oo muhimad gaar ah u leh dalka, maadaama burbur badan uu soo maray wadanka.

"Maadaama dalkeena uu ka mid yahay dalalka soo koraya ee dhalidda ay ka mid tahay waxyaabaha ugu culus, waxaan ognahay in 600 oo hooyo ay dhintaan marka 100 kun oo hooyo ay umulaan. Tani, waxaa ay kamid tahay tirooyinka ugu badan ee adduunka ka jira. Sidoo kale, 35 carruur ah ayaa dhimata 1,000-kii carruur ah ee dhasha, ka hor inta aysan gaarin sanad,” ayuu yiri Profosoorka.

Prof. Dr. Cabdirisaaq, ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinkaasi ay sii socon karaan, maadaama hooyooyinka umulaya ay dhaliyeen wax ka 30% oo ah dad aqoon u leh caafimaadka, halka keliya 22% ay heli karaan adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka. Wuxuu intaasi raaciyay caqabadaha dalka ka jira oo ay kamid yihiin, amni darrada, saameynta isbeddelka cimilada, nafaqo darrada, cudurro iyo xaaladaha adag ee nolosha.

Cilmi-baarista ayaa sidoo kale darseysa sidii loo heli lahaa inkabadan labaatan kun oo umulisooyin xirfaddoodu sarrayso, la xaaro caqabadaha hor istaagi kara howgellintooda iyo sara u qaadida xirfadadooda. Ujeedada ayaa sidii loo yareyn lahaa dhimashada hooyada iyo dhallaanka dalalkaasi, gaar ahaan Soomaaliya.

Senator Prof. Cusmaan Max'uud Dufle oo ah Guddoomiyaha Guddiga Adeega Bulshada ee Aqalka Sare, ayaa machadka iyo madaxdiisa ku ammaanay cilmi-baarista daaha ka qaadday dhibaatooyinka caafimaad ee heysta hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed. Isagoo rajeeyay in ay xal u noqon doonto dad badan oo Soomaaliyeed oo xaalad adag la kulmo xiliyada foosha.

Dr. Ubah Faarax oo ah la taliyaha caafimaadka qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Cabdirisaaq Axmed, ku-xigeenka madaxa hawlgalinta ee hay’adda IRC iyo Dr. Caroline Mwangi oo ah la taliyaha Caafimaadka ee safaaradda UK ee Soomaaliya, ayaa kamid ahaa martidii ka hadashay munaasabadii ay kasoo qeyb-galeen xubno ka socday wasaaradaha caafimaadka dowladda, xildhibaanno, khubaro caalami ah, dhaqaatiir, iyo aqoonyahano.

14-kii bishii September, 2014, Guddiga Caalamiga ah ee Badbaadinta (IRC), ayaa ku dhawaaqday iskaashi cusub oo ujeeddadiisu aheyd hagaajinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee dalalka ay colaaduhu saameeyeen sida Soomaaliya oo kale, iyada oo loo marayo abuuritaanka urur cilmi-baaris oo dalal badan ka kooban.

Hay’adda UK Aid ayaa mashruuca ku maalgelisay $11.3 milyan oo ay ka heshay dowladda UK. Mashruuca $11.3-da milyan ayaa waxaa qeyb ka ah Guddiga Caalamiga ah ee Badbaadinta (IRC), oo ay wehliyaan Machadka Human Virology Nigeria, Johns Hopkins Bloomberg School of Health Public, iyo xarunteeda caafimaadka bini'aadantinimo ee jaamacada, Machadka Cilmi-baarista iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee (SORDI), iyo Jaamacadda Catholique de Bukavu (Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo).

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]