7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 5 , 2023
Wabiga Shabeelle oo laga dareemay hoos u dhac farxad galiyay dadka reer Baledweyne

Talaado, December, 5, 2023 (HOL) - Mudo 25 maalmood kadib ah waxaa saakay hoos u dhac laga dareemaya biyaha wabiga Shabeelle ee ku fatahay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Biyaha wabiga ayaa bilaabay iney ka yaraadaan cabirka joogii hore, waxaana la dareemaya in nus Mitir ka dagaan joogoodii hore oo meelaha qaar xaafadaha gaarayay ilaa sadax Mitir.

Dadka ku dhex go'doonsana xaafadaha Baledweyne ayaa haatan dareemaya rajo aad u wanaagsan, maadama biyaha xoogii iyo tarkii ay wadeen uu ka yaraaday.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale la filaya in biyaha wabiga ay sii naqaan, waxaana naqa biyaha ay kusoo beegmayaan iyadoo mudooyinkii dambe aysan da'in roobabkii mahiigaanka ahaa ee fududeeyay in wabiga Shabeelle uu ku fataho Baledweyne.

Dadkii ka barakacay xaafadaha magaalada Baledweyne ayaa dhankooda xaalado adag ku wajahaya deegaanada ay u barakaceen sida Ceel jaalle iyo goobo kale.