7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 31, 2023
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay magacyada labo horjooge oo Shabaab ah oo lagu dilay duqayn
 

Axad, December, 31, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay magacyada labo horjooge oo katirsanaa Alshabaab oo lagu dilay duqaymo ka dhacay Mudug iyo Shabeellaha Hoose.

War saxaafadeed dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqaymahan lagu dilay laba horjooge oo lagu kala magacaabo Cumaraani Malaaq iyo Saabir.

Howlgalka hore ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Nuun- Gare oo katirsan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose, waxaana lagu dilay Cumraani Malaaq Maxamed, oo ahaa horjoogihii Shabaab ee degaanka Bariire.

Sidoo kale, waxaa duqayntaas lagu dilay horjoogaha labaad oo lagu magacaabo, Saabir, kaasoo dowladdu ay sheegtay inuu Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah ee beeralayda laga qaadi jiray.

Howlgalka labaad oo ka dhacay duleedka degaanka Caad ee gobolka Mudug, ayaa lagu dilay todobo katirsan kooxda Alshabaab, ka dib markii lagu bartilmaameedsaday goob ay ku shirayeen, sida ay dowladda Soomaaliya sheegtay.

Howlgalladan ayaa kusoo aaday, iyadoo Alshabaab ay sheegtay in dagaalo ku jebisay ciidanka dowladda ay ka geysatay gobolka Mudug, waxayna soo bandhigeen sawirro ay sheegeen inay ahaayeen maydadka askar katirsan ciidanka dowladda iyo hub ay sheegeen inay ka furteen dagaaladaas.