7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 31, 2023
Madaxweynaha Somaliland oo safar ugu baxay dalka Itoobiya

Axad, December, 31, 2023 (HOL) -  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhawayd safar ugu baxay dalka Itoobiya, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Raysal Wasaare Abiye Axmed.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga, ayaa Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ka raacay diyaarad gaara oo uu Raysal Wasaaraha Itoobiya u soo diray weftiga Madaxweynaha Somaliland, waxaanu safarkoodu qaadan doonaa maalmo kooban, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha waxa safarka ku wehelinaya Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Axmed Maxamed Diiriye (Toorno),  Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Waxbarashada Dr Axmed Aadan Buuxane, ku-xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska  Muuse Ibraahim Selef.

Sidookale Wasiirka Wadaarada Arrimaha Dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud uu dalka Itoobiya kaga sii horeeyo weftiga, sida madaxtooyadu sheegtay.

Madaxtooyadu faah faahin kama bixin qorshaha safarka madaxweynaha iyo waftigiisa, marka laga yimaado in uu martiqaad rasmi ah ka helay Raysal Wasaare Abiye.