7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 31, 2023
Faysal Cali Waraabe oo soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay shirkii Jabuuti

Axad, December, 31, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay shirkii Madaxda Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray Jabuuti.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in shirku uu Somaliland iyo Soomaaliya ku celiyay 1960 kii, isla markaana waxa uu u mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu sheegay in uu sabab u yahay.

"Qodobada lasoo daayay waanu soo dhawaynaynaa waa kuwii aanu hore ugu heshiinay, Xasan Sheekh ayaanu hambalyaynaynaa in uu ku dhiiraday in ay saacadu dib ugu noqoto 1960 kii, idinka oo laba dal ah in aad wadahashaan oo wada fadhiisataan waanu soo dhawaynaynaa" ayuu yidhi Waraabe.

Waraabe waxa uu sheegay in qofka aan doonayn saddex waddan oo Soomaali ah oo cod ku leh Qaramada Midoobay iyo Afrika uu yahay qof aan Soomaalida jacayl u hayn, waxa uuna sheegay in qadiyada Somaliland tahay, qadiyad shacab oo aanu Biixi go'aan ka gaadhi karin.

Waxa uu sheegay in ay Jabuuti kamid tahay 5tii Soomaaliyeed ee laysla doonayay, lakiin ay suuragali wayday, sidaa darteedna Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle laga rabo in uu u kala markhaati furo Somaliland iyo Soomaaliya.

Waraabe dhinaca kale waxa uu sheegay in wakhtigan aanu madaxweynaha ka filayn in uu dib u furo wadahadalada, lakiin laga rabay in uu muhiimada siiyo doorashooyinka.