7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 31, 2023
Hay'adda lacagta adduunka ee IMF oo sheegtay in ay Soomaaliya helayso maalgalin dibadeed
 

Axad, December, 31, 2023 (HOL) - Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa waxay sheegtay in Soomaaliya ay helayso maalgelin dibadeed, si ay u maal gashato meelaha muhiimka ah, sida waxbarashada & shaqo abuurka si loo horumariyo nolosha Soomaalida.

IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka faa’idaysanayso baabi'inta ku dhawaad 90% deymihii dibadda, ka dib markii ay gaartay heerka Dhameystirka deymaha iyadoo la raacayo Hindisaha wadamada deymaha badan lagu leeyahay.

IMF waxay xustay in Soomaaliya ay u qalanto gargaarka ka dib markii ay hirgelisay istiraatijiyadda yareynta faqriga ugu yaraan hal sano.

Bishii December, IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa ansixiyay $4.5 bilyan oo deyn cafinta Soomaaliya, ka dib markii Soomaaliya ay soo gabagabeeysay sannado badan oo dib u habeyn lagu sameeyay dhaqaallaha dalka.

Soomaaliya waa waddankii 37-aad ee dhameystira hannaanka dayn cafinta oo soo jiray tan iyo 1996-kii.