7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 31, 2023
Cudurka Shuban Biyoodka oo ka dilaacay magaalada Baledweyne iyo dad badan oo u dhintay
 

Axad, December, 31, 2023 (HOL) - Inta la xaqiijiyay ilaa 11 ruux oo dhamaantood ah Caruur ayaa u geeriyootay Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Isbitaalada kala duwan ee ku yaala magaalada Baledweyne ayaa waxaa jiifa Caruur badan oo uu soo ritay Cudurkaan Shuban biyoodka ah, kuwaas oo haatan lala tacaalayo xaaladooda Caafimaad.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalada Baledweyne oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay in Cudurkaan uu dilaacay markii laga soo noqday fatahaada ku dhufatay magaalada oo xaafadaha Baledweyne ku reebtay biyo ay ka dhasheen wasaq.

Xaafadaha ugu daran ee dadka uu soo ridanayo Shuban Biyoodka ayaa dhaqaatiirtu sheegeen iney kala yihiin Buundaweyn, Kooshin iyo Xaawo taako oo ahaa sadaxda xaafadood oo biyahii fatahaada sida weyn u maasheeyeen.

Si kastaba ha ahaatee Cudurkaan Shuban biyoodka ee ka dilaacay Baledweyne ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali xaafadaha qaar ay ku dhex go'doonsan yihiin biyahii ka haray fataahada kuwaas oo midab koodu isbadalay qeyb weyna ka ah dilaacsta cudurka.