7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 31, 2023
ATMIS oo shaacisay qorshaha howlgalkeeda sanadka cusub ee 2024-ka
 

Axad, December, 31, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika ee ATMIS Sam Okiding ayaa si faahfaahsan uga hadlay qorshaha ciidanka ATMIS ee sanadka cusub ee 2024-ka oo ay ka dhiman tahay saacado kooban kaliya.

Sam Okiding ayaa sheegay in mudnaanta ciidanka ATMIS ee sanadka 2024 iney tahay ciribtirka Al-shabaab iyo sare u qaadista awooda ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

“Howsha koowaad ee aan qabanayno sanadka soo socda waxay noqon doontaa wiiqidda Al-shabaab. Waa in Al Shabaab laga adkaado si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo xasilooni” ayuu yiri Taliyaha ATMIS Sam Okiding.

Wuxuu sidoo kale sheegay taliyaha ciidanka ATMIS in shir ka dhacaya dhawaan magaalada Muqdisho iney isugu imaan doonaan dhamaan taliyaasha ciidanka ATMIS, kaasoo looga hadli doono sidii loo soo afjari lahaa howlgalada lagu doonayo in Shabaab looga ciribtiro guud ahaan Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray taliyaha ciidanka ATMIS ayaa kusoo beegmaya, iyadoo lagu wado in dhamaadka sanadka 2024 inuu dalka isaga baxayo askariga ugu dambeeya ee ka tirsan howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.