7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 31, 2023
Khilaaf adag oo ka jira ku dhawaaqista liiska baarlamaanka cusub ee Puntland
 

Axad, December, 31, 2023 (HOL) - Musharaxiinta madaxweynaha maamulka Puntland, kuwaas oo caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe, ayaa digniin adag ka bixiyay waxay ugu yeereen boob uu madaxweyne Deni ku hayo kuraasta baarlamaanka ee beeluhu ay leeyihiin.

Musharaxiin uu kamid yahay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in madaxweyne Deni  uu ka shaqeynayo inuu Puntland galiyo qalalaase siyaasadeed.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu sameystay liis xildhibaano ah oo uu doonayo inuu doorashada ku galo, wuxuuna sheegay in musharaxiintu ka digayaan in madaxweyne Deni uu doorashada ka leexiyo dariiqeedii saxda ahaa.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo kamid ah musharaxiinta ayaa isna madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu guddiga xallinta khilaafaadka ku cadaadinayo inay liiska ka saaraan xidhibaano beelahoodu soo xusheen, laguna beddelo kuwa kale oo ay madaxtooyada wadato.

“Siciid, waxaanu leennahay ka joog inaad iskudaydid. Dalku hadda nabad weeye. Doorashaaan sugaynaa. Ka joog madaxweynow liis aan sharci ahayn inaad guddiga u gudbisid. In derbiga lagu dhajiyo baarlamaan aan heshiis lagu ahayn, macnaheedu noqon mayso wax laguugu raaco,” ayuu yiri Abgaal.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa isna diginin u jeediyay guddiga xallinta khilaafaadka iyo madaxweyne Deni, isagoo uga in laga leexdo dariiqii baarlamaanka lagusoo xuli jiray.

Cabdiraxmaan Faroole wuxuu sheegay in ay mucaaradku magaalada Garowe soo galiyeen ciidamo iyo gaadiid dagaal, kuwaas oo uu sheegay inay ka caraysan yihiin in madaxweyne Deni uu wax isdaba marin ku wado xulista baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, shaacinta liiska baarlamaanka oo lagu waday caawa fiidkii ayaa weli la isku khilaafsan yahay. musharaxiinta ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu guddiga ku cadaadinayo inay liiska ka saaraan xubno beelahooda soo xusheen.

Arrintaan ayaa keentay inay caawa magaalada Garowe gashay xasarad kacsan oo keeni karta gacan ka hadal, haddii aan xal laga gaarin khilaafka xulista baarlamaanka