7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 2 , 2023
Guddoonka Golaha Aqalka sare oo si adag uga hadlay buuqii maanta ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka

Sabti, December, 2, 2023 (HOL) - War saxafadeed kasoo baxay Golaha aqalka sare ayaa lagu sheegay in mudanayaasha golaha shacabka ay carqaladeeyeen fadhiga maanta, iyagoo si cad u diiday inuu kulankaasi gudoomiyo gudoomiye Cabdi Xaashi.

Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay ineysan qeyb ka aheyn Golaha Aqalka sare rabshadihii maanta hareeyay fadhiga, iyagoona dalbaday in xal deg deg ah laga gaaro wixii maanta dhacay.

"Waa nasiib darro waxaa halkaas ka dhacay oo ah dhacdo aan ku habboonayn maqaamka iyo milgaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya" ayaa lagu yiri warsaxafadeedka lasoo baxay Golaha Aqalka sare.

Warkaan kasoo baxay Golaha Aqalka sare ayaa imaanaya, kadib markii maanta fadhi wadajir ah oo labada Aqal ku yeelan lahayeen xarunta Villa Hargeysa uu u baaqday buuq la xariiray in Xildhibaanada qaar ay diidanayeen inuu fadhiga shir guddoomiye guddoomiyaha Aqlka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Hoos ka akhriso warsaxafadeedka oo dhameystiran:-