7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 2 , 2023
Kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka oo Buuq kusoo dhamaaday

Sabti, December, 2, 2023 (HOL) - Waxaa maanta buuq iyo fowdo kusoo dhamaaday fadhi wadajir ah oo labada gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya isugu yimaadeen xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa.

Buuqa ayaa bilaawday kadib markii mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka ay is hortaag ku sameyeen inuu furmo fadhiga oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulankaan buuqa kusoo dhamaaday ayaa ajandaha labada Aqal ay sida wadajirka ah uga doodi laheyeen waxa uu ahaa ka doodista akhrinta koowaad ee miisaaniyadda dowladda ee 2024-ka iyo xisaab xirka miisaaniyadda 2022-ka iyo 2023-ka oo la sheegay in Xildhibaanada ay diidanayeen in la isku qabto labada ajande.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka inay diidanayeen in kulankan uu shir guddoomiyo guddoomiyaha Golaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo madasha ku sugnaa.

Markii uu sii xoogeystay buuqa fadhiga ayaa waxaa go’aan deg deg ah qaatay guddoomiye Cabdi Xaashi oo soo xiray kulanka labada Aqal Baarlamaanka.

“Haddii ay arrintu sidaa tahay shirku waa innoo xiran yahay, ballanta dambana waan soo sheegi doonaa” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka oo ka hadlay waxyaabaha keenay kulankaan buuqa kusoo dhamaaday, iyagoona sheegay in dooda xoogeedu ka dhalatay kala qaadista labada ajande.

Kulaankaan buuqa kusoo dhamaaday ayaa imaanaya, iyadoo Kafdhiga afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya ay horyaalaan ajendayaal muhiim oo uu ka mid yahay qorshe dowladda ay ku dooneyso in wax kaga badasho Dastuurka dalka.