7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 2 , 2023
Somaliland oo walaac ka muujisay cunaqabaynta hubka ee Soomaaliya laga qaaday
 

Sabti, December, 2, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa walaac wayn ka muujisay cunaqabaynta hubka ee Soomaaliya laga qaaday, iyada oo sheegtay in uu gobolka ku keeni karo khatar amaan daro.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa walaac lagaga muujiyay khatar amaan oo ay Somaliland sheegtay in uu sababi karo hubka loo fasaxay Soomaaliya.

"Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay walaac xooggan ka muujinaysaa ka qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, taasi oo saarnayd tan iyo 1992-kii oo uu soo saaray Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 733 (1992)".

Somaliland waxay sheegtay in dagaalkii sokeeye ee ba’naa ee galaaftay nolosha 200,000 oo muwaadiniin reer Somaliland ah, uu si weyn u xasuusinayo khatarta uu leeyahay hubka diyaarka ah ee la heli karo, waxayna sheegtay in hubku uu khatar ku noqon doono dhamaan gobolka.

"Waxaan waayo-aragnimo u leenahay cawaaqib xumada ka dhalan karta fidinta hubka aan la xakameynin, waxaanan ka feejigannahay khatarta kooxaha xagjirka ah iyo ciidamada maleeshiyaad ka ah, soo ifbaxa kooxo maleeshiyo beeleed ah sida kuwa Laascaanood oo la safan kooxaha xagjirka ah waxay muujinaysaa khatar cad oo hadda ka jirta gobolka".

Somaliland waxay sheegtay in Soomaaliya anay lahayn nidaam fiican oo ay hubka ku xakamayso taasi oo sababi karta in hubku uu gacanta u galo kooxaha xagjir ka ah. taasi oo waxyeelayn doonta dhamaan amaanka gobolka, ayna abuurayso deegaan uu hubku khatar ku hayo daganaanshaha.

Ugu danbayn, Somaliland waxa ay sheegtay in ay u soo jeedinaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu si qoto dheer uga fiirsado dhibaatada culus ee ka dhalan karta qaadista cunaqabataynta hubka, isla markaana la hirgaliyo nidaam lagu xakamaynayo.