7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 2 , 2023
Golaha dhaqanka SSC- Khaatumo oo soo dhoweeyay nabadda ay ku baaqeen beelaha Somaliland

Sabti, December, 2, 2023 (HOL) - Golaha dhaqanka ee maamulka SSC- Khaatumo ayaa soo dhoweeyay go’aan kasoo baxay beesha Habar-jeclo oo kamid ah beelaha Somaliland, go’aankaas oo ahaa mid nabadeed oo dhiirri galinayay wada noolaanshaha labada dhinac.

Bayaan kooban oo ay soo saareen golaha dhaqanka ee SSC, ayaa waxay ku sheegeen in ay xakamayn doonaan in ciidankooda ay u gudbaan dhinaca kale. Iyaguna waxay codsadeen in sidaas oo kale beelaha ay dirirtu dhexmartay, xakameeyaan inay duulaan soo qaadaan ciidankooda.

Golaha dhaqanka SSC waxay sheegeen in waxa kaliya ee kala dhaxeeya Somaliland ay yihiin, derisnimada iyo walaaltinimada kala dhextaala beelaha wada degen.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay colaado dhex mareen maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda labada dhinaca. Colaaddaas waxay sababtay in dad badan ay ku geeyiyoodaan, degaanana la iska gubo.

SSC- Khaatumo ayaa horey ugu eedeeysay Somaliland inay colaad ka dhex abuurayso qabaa’ilada kuwada nool gobolk Sool.