7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 2 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh: Maanta waxaan awood u leennahay in aan hub weydiisan karno dalalka aan walaalaha nahay
 

Sabti, December, 2, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweysay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu uga qaaday Cunnaqabateynta hubka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya 31 sano kadib ay awood buuxda u leedahay inay soo iibsato hub.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay, in dalalka taageera Soomaaliya iyo kuwa saaxiibka la ah ay siin karaan hub kaste oo ay Soomaaliya weydiisato. Wuxuuna tilmaamay in dowladdu ay masuuliyad adag iska saari doonto qulqulka iyo xakamaynta hubka soo galaya dalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu kaloo xusay inuu caalamku aqoonsaday in ay Soomaaliya ka jirto dowlad masuul ah, taasoo awood u leh inay xakamayso hubka dalka.

“Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyo in naloo qiray in dalka Soomaaliya uu leeyahay dowlad responsible ah (dowlad masuul ah), oo qaadi karta masuuliyadaha caalamiga ah ee ammaanka quseeya, iyo kuwa qaran ee dadkeeda quseeya.”ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay inay muddo dheer qaadatay in Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah u buuxiso nidaamka maaraynta hubka ku jira gacanta dowladda.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in qaadista cunaqabateynta hubka ay tilmaam u tahay sida hagar la’aanta ah ee beesha caalamka ugu taageereyso sidii ay Soomaaliya nabad waarta u heli lahayd.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dawladdu ay rajaynayso wada shaqayn joogta ah oo wax lagaga qabanayo caqabadaha iyo ka faa'iidaysiga fursadaha soo socda.