7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 2 , 2023
Midowga Afrika oo shaaciyay inuu bilaabanayo dhameystirka wajiga 2-aad ee dhimista ATMIS
 

Sabti, December, 2, 2023 (HOL) - Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan  Soomaaliya, ayaa shaaciyay in howlgalka ATMIS uu dib u bilaabi doono soo gabagabeynta wejiga 2 ee dhimista 3000 oo askari marka la gaaro 31ka Diseembar 2023.

Ergayga lagu magacaabo Souef Mohamed El-Amine, ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu ku wareejin doono ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, 8 xarumood oo baro ciidan ah.

Wakiilka Midogwa Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa ATMIS ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha Soomaaliya taageeradiisa iyo iskaashigiisa, isagoo sheegay in ay ka go'an tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ka hor inta aan la gaarin dhammaadka bisha December, dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa wada yeelan doona kulan saddex geesood ah, oo looga tashandoono dhameystirka dhimista wajiga 2aad ee ATMIS.

Dhawaan ayay ahayd markii uu golaha ammaanka uu ogolaaday in muddo saddex bilood  ah dib loo dhigo bixitaanka wajiga labaad ee ATMIS, kaas oo qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo bishii September ee lasoo dhaafay.