7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 2 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh "Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saameysay arrinta isbeddelka Cimilada"
 

Sabti, December, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee isbadalka Cimilada (COP28) oo lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa kusoo bandhigay baaxada saameynta xoogan ay Soomaaliya ku yeelatay isbadalka Cimilada, isagoona xusay in daadadka ka dhashay roobabka Elnino iney ku dhinteen dad gaaray 120 ruux, islamarkaana ay ku barakaceen in ka badan hal Milyan oo ruux.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha in xaaladaani ay soo korortay, iyadoo dowladda fedaraalka ay dagaal xoogan kula jirtay kooxda Al-shabaab sidoo dalka uga ciribtiri lahaa.

“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saameysa arrinta isbeddelka cimilada, waxaana tusaale u ah dadkeenna haatan la tacaalaya daadadka ka dhashay duufaanta El-nino waa kuwii kal hore ka soo gudbay abaartii ku habsatay dalka" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay haatan wajheyso xaalado adag oo ka dhashay isbadalka Cimilada, islamarkaana dowladiisa ay ka go'an tahay marwalba la tacaalista caqabad kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbadelka Cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale khudbadiisa ku dhaliilay hannaanka caalamiga ah ee ka hortagga saameynta isbedelka cimilada sii xumaaneysa ee dunida, isagoona ku dooday in dalalka Afrika aan si mug leh looga qeyb gelin qorshaha xallinta dhibaatadan, wuxuuna ugu baaqay dalalka warshadleyda ah iney gutaan masuuliyadda ka saaran arrinkaas, si loo xaqiijiyo duni ku habboon nolasha.