7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2023
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun ku riday rag ka tirsanaa kooxda Daacish
 

Sabti, December, 16, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun sideed sano oo xabsi ah ku riday laba nin oo lagu helay iney ka tirsanaayeen kooxda Daacish ee ka dagaalanta qeybo ka mid ah gudaha Soomaaliya.

Ragaan ayaa la sheegay in gacanta lagu soo dhigay, iyagoo masaajid dhexdiisa ku kala wareegaya bambaanooyinka nuuca gacanta laga tuuro.

Labada nin ee xukunka lagu riday ayaa lagu kala magacaaba Cabdiqani Aadan Cali Cilmi iyo Axmed Cali Diiriye oo loo yaqaano Macalin Axmed, kuwaas oo markoodii hore ka tirsana kooxda Al-shabaab.

Ciidamada amaanka dowladda Fedaraalka ayaa ragaan kusoo qabtay howlgal 16-kii bishii October ee sanadkan ay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, taasoo ugu dambayn maanta ku Xukuntay labadaan nin ee ka tirsanaa kooxda Daacish.