7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2023
Soomaalida Minnesota oo ku dhawaad Sideed Boqol Kun u ururiyey Fatahaadaha Gobolka Gado Soomaliya


Sabti, Dec, 16, 2023 (HOL) - Boqolaal Soomaalida dagan gobolka Minnesota ayaa xalay isagu yimi taageerada dadka fatahaada roobabka iyo biyaha Wabiga ka dhashay ee ka dhacy gobolka Gado ee koonfurta Soomaaliya, Culumada Aqoonyahanka dhalinyarada Ganacsatada iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa soo buuxdhafashay xarunta xafladaha & shirarka ee SAWADI ee magaaladda Bloomington MN.

Sadaxdii todabaad ee ugu danbeeyey ayeey bilaabeen gudiga arimahaan ka shaqaneeyey inay hab Miis iibsasho ah oo kun dollar ah ay baraha bulshada ku soo bandhigaan taas oo ay gaarsiiyeen in ku dhow $580.000 oo Dollar , iyagoo habeenimadii xalayna. gaarsiiyey ku dhawaad 800.000 oo Dollar

Soomaaliya dhan dhibaato ayaa ka dhacday wayna  ku fataheen wabiyadii gobolada uu maro oo badi lakiin qasaaruhu waa kala badnaa “waxaa sidaa ku bilaabay hadalkiisa madaxa gudiga hawshan isku xilsaartay Dr. Cabdisamad Nuur Xasan Looyaan (Bidaar) waxuu kaloo sheegay in laga soo bilaabay Nov 12 2023 ay gudigooda oo ka koobnaa xubanaha jaaliyadda ay dadaal dheeri oo ilaa heer gobol ah gaarsiiyeen dhibaatada gado ka dhacday ,waxaan qabanay ilaa dhawr shir jaraa’id oo uu ugu waynaa kii todobaadkan ka dhacay aqalka gobolka Minnesota ka dhacay oo ay ka soo qaybgaleen madaxda ugu sareeysa ee gobolka iyo wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamed oo UN ka ka socday.

Soomaalidii xalay isagu timi taakulaynta fatahaada Gado ayaa ku baaqay in hawsha dhaqaalo ururinta la sii wado ilaa laga gaarayo halbeega qorshahooda oo ah Hal Milyan oo Dollar .

Dr Cabdisamad oo la hadlay HOL ayaa sheegay in soomaalida Maraykanka ay uga fadhiyaan gobolkasta oo Soomaalidu dagto USA in ay isagu yimadaan lacag ururin noocan oo kale ah si nolosha dadka bara kacay ee guryahoodii biyiha ka sara mareen loo badbaadiyo ayuu yiri Cabdisamad Nuur bidaar.

Cabdi Daysane oo ka mida dhalinyarada firfircoon ee gobolkaan ayaa isaguna u sheegay in dowlada Soomaaliya ay samayso qorsho wax looga qabanayo dhibaatooyinka soo noqnoqnaya oo ay keentay Isbadalka Cimiladda ee dunida si ay yaraato waxyeelada ay masiibooyinku u gaysanayaan shacabka.

Sh Axmed Taajir Imaamka Masjidka Umutu Islam ayaa sheegay in lacago farabadan oo ka mid yahiin kuwa xiligan oo kale Cumrada lagu aadayo ay ka fadliiyo ajar  badan tahay in lagu baxiyo dhibaatada lagu badbaadinayo bina’aadamka guryahoodii iyo dagaamdoodii biyahu ka barakaciyeen.

Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka Maraykanak ayaa ku deeqday lacag lagu sheegay Shan Kun oo Dollar iyadoo jaclayd in kulanka ay ka soo qaybgasho lakiin nasiibku u saamixi waayey.

Siyad Said Salah
Hiiraan Online
Minneapolis MN