7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2023
Ciidamada badda India oo si dhow ula socda markab ay qabsadeen burcad badeedda Soomaalida
 

Sabti, December, 16, 2023 (HOL) - Ciidamada Badda Hindiya ayaa isku dayaya inay soo badbaadiyaaan Markab ganacsi oo ku gooshayay calanka waddanka Malta, kaasoo ay khamiistii doraad afduubteen kooxo la sheegay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah.

Warbixin kasoo baxday howlgalka ciidamada India ee ku sugan gacanka cadmeeed, ayaa lagu sheegay in diyaaradaha ilaalada badda iyo markab dagaal loo weeciyay goobta lagu afduubtay markabka, iyagoo iskudayaya inay gacan ka geystaan inay caawiyaan Markabkan oo lagu magacaabo MV Ruen, kaasoo ay la socdeen 18 shaqaale ah.

Markabka dagaal ee ciidamada badda Hindiya ee ka howlgala xeebaha gacanka, ayaa 14-kii bishii hore ee December helay fariin ku saabsan in ilaa 6 burcad badeed ah oo aan la garaneynin ay si sharci darro ah gudaha u galeen markabka.

Ciidamada badda Hindiya ayaa cadaadis saaraya kooxaha burcad badeedda, iyagoo ku dul wareega markabka. Waxayna si joogto ah ula socdaan dhaqdhaqaaqa markabka, oo hadda ku wajahan xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda India.