7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2023
Burcad badeedda Soomaalida oo qabsaday Markab ganacsi oo ku gooshayay calanka Malta
 

Sabti, December, 16, 2023 (HOL) - Markab ganacsi oo ku gooshayay calanka Malta, ayaa lagusoo waramayaa inay afduubteen burcad badeedda Soomaalida, sida ay sheegeen ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeedda Soomaalida.

Haddii si rasmi ah la xaqiijiyo, wuxuu noqonayaa af-duubkii ugu horreeyay ee Markab ganacsi oo ay qabsadaan burcad-badeedda Soomaalida tan iyo sannadkii 2017-kii.

Xarunta hawlgalada wadajirka ah ee EUNAVFOR ee Spain ayaa sheegtay inay heshay digniin ku saabsan markab ay weerareen burcad-badeedda, oo lagu magacaabo Ruen, kaas oo marayay meel qiyaastii 500 mayl-badeed bari ka xiga Jasiiradda Socotra.

Mid kamid ah raggii horey uga mid ahaan jiray kooxaha abaabulka weerarrada lagu qaado maraakiibta, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inuu maqlay in budhcad-badeedu ay ku guulaysteen inay qabsadaan markab.

“Lix ka mid ah saaxiibadeyda burcadbadeedda ah waxaa u suurtagashay in ay qabtaan markab, waxayna keeni doonaan xeebaha gobolka bari ee Puntland,” ayuu Mukhtaar Maxamuud yiri isagoo ku sugan magaalada  Qandala.

Ma uusan sheegin magaca markabkan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland.

Howlgalka Midowga ee ilaalada xeebaha, ayaa sheegay in markabka dagaalka ee Spain ee Victoria loo diray goobta si loo ururiyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan weerarka Markabka.

Shirkadda ammaanka badda ee Britain ee Ambrey ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in Ruen ay afduubteen burcadbadeedda.

Horaantii Jimcihii, hay’adda badaha Britain ee UKMTO ayaa sheegtay inay warbixin ka heshay sarkaal ka tirsan ilaalada markabka oo rumeysan in shaqaaluhu aysan hadda gacanta ku hayn markabka.

Markabka ayaa markii ugu dambeysay la arkay isagoo ku sii socday biyaha caalamiga ah, isagoo ku sii jeeday Soomaaliya, sida lagu sheegay xogta la socodka markabka ee LSEG.