7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2023
Ciidanka dowladda oo ATMIS kala wareegaya Amniga Madaxtooyada Soomaaliya

Sabti, December, 16, 2023 (HOL) - Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo kuwa Booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah ay si rasmi ah ula wareegaan amniga guud ee madaxtooyada dalka.

Ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa wareejinaya sanado badan kadib amniga madaxtooyada dalka oo ay dagan yihiin madaxda ugu sareysa Soomaaliya.

Xarunta madaxtooyada Soomaaliya waxaa ku yaala Xafiisyada Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha iyo Baarlamaanka, waxaana tan iyo sanadkii 2007-dii gacanta ku hayay amnigeeda ciidanka Midowga Afrika oo kuso howl bilaabay magaca AMISOM, haatana ku shaqeeya magaca ATMIS.

Talaabadaan ayaa hordhac u ah lawareegida amniga guud ee Soomaaliya ee ciidanka qalabka, waxaana la filayaa in ciidanka nabbad ilalainta u jooga Soomaaliya ay si tartiib tartiib uga baxaan dalka ilaa dhamaadka sanadka soo socda ee 2024-ka.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada ATMIS ayaa wali gacanta ku haya amniga xarumo kale oo muhiim ah oo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo dekadda weyn ee Muqdisho.