7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2023
Ciidanka dowladda oo howlgalo qorsheysan ka wada duuleedka magaalada Muqdisho

Sabti, December, 16, 2023 (HOL) - Ciidamada Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saakay howlgalo qorsheysan ka wada xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee dhaca duuleedka magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa kusoo toosay saakay ciidamada oo isku fidiyay dhamaan xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaas oo sameynaya baaritaano qof iyo guri ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaad ay ku tuhmayaan iney la shaqeeyaan kooxda Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa imaanaya, iyadoo mudooynkii lasoo dhaafay amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho uu ahaa mid aad u wanaagsan.

Laamaha amaanka dowladda Soomaalya ayaa Muqdisho iyo agagaarkeeda inta badan ka sameeya howlgallo ay ku xaqijinayaan amniga guud ee Caasimadda.