7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2023
Museveni oo soo dhoweeyay Soomaaliya inay si rasmi ah uga mid noqotay EAC
 

Sabti, December, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa Soomaaliya ku soo dhoweeyay xubin ka tirsan Bulshada Bariga Afrika, isagoo ku tilmaamay tallaabadan mid sare u qaadaysa dadaallada ururka gobolka ee lagu xaqiijinayo barwaaqada iyo amniga istiraatiijiga ah ee dadkeeda.

Madaxweyne Museveni oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in tan iyo 1968-kii ay Soomaaliya doonaysay inay ka mid noqoto Bulshada Bariga Afrika, hase yeeshee ay hawshaasi noqotay mid cakiran, taasoo ay ugu wacan tahay xasillooni darro ka jirtay gobolka xilligaas.

“Soomaaliya mar hore ayay ka mid tahay bulshada. Waxaan hubaa haddii aad hadda tagto Muqdisho in aad ka heli doonto dukaamada Kenya iyo xataa Uganda. Markaa, waxa hadda socdaa waa uun daahfurka wixii hore uga dhacay dhulka,” ayuu yiri Museveni.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dalalka xubnaha ka ah EAC sida ay u xaqiijiyeen in dalkiisa uu ka mid yahay ururka.

Waxa uu sheegay in bulshadu ay astaan u tahay xaqiijinta himilooyinkooda wadajirka ah isla markaana ay tahay ifka rajo mustaqbalka oo ay ka buuxaan fursado badan.