7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2023
Bangiga adduunka iyo IMF oo Soomaaliya ka cafiyay $4.5 bilyan oo deyn ah
 

Arbaco, December, 13, 2023 (HOL) - Sanduuqa dhaqaalaha Adduunka oo magaciisu loo soo gaabiyo IMF iyo Bangiga Adduunka qaybta IDA (oo bixiyo deyn aan dulsaar lahayn iyo gargaar horumarineedba) ayaa Soomaaliya u oggolaaday in laga cafiyo deymaha.

Go’aankan ayaa yimid ka dib markii Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay dhamaystirka barnaamijka loogu talagalay in lagu samatabixiyo dalalka saboolka ah ee deymaha faraha badan lagu leeyahay oo loo yaqaan (HIPC).

Go’aankan deymaha looga cafiyay Soomaaliya ayaa wuxuu hoos u dhigayaa deynta dibadda ee Soomaaliya oo u dhiganaa 64% ee dakhliga dalka sanadkii 2018, halka uu dhamaadka 2023 noqon doono wax ka hooseysa 6%.

Deyn Cafinta, ayaa ku timid taageerada deyman-bixiyeyaal kala duwan, oo ay ka mid yihiin IMF, IDA, Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF), iyo hay’ado kale.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku nuuxnuuxsaday dadaalka dowladihii kala duwanaa ee dalka, kuwaas oo  10kii Sano ee la soo dhaafay gacan ka geystay ilaa heerkan laga soo gaaray.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige, ayaa iftiimiyay dadaalada lagu bixiyay soo kabashada dhaqaalaha dalka, taasoo keentay sida uu sheegay korodhka dakhliga gudaha, adkeynta maamulka maaliyadda dawladda, iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha dowliga ah.

Wasiirka ayaa sheegay in horumarkaasi lagu gaaray iyada oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin Isbadalka Cimilada iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Dhanka kale, Maamulka IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa bogaadiyay u hoggaansanaanta dalka ee shuruudaha (HIPC), xilli uu dalka wajahayay dhibaatooyin ay ka mid yihiin Caabuqa Covid-19 iyo khataraha amniga, .

Agaasimaha IMF ee Bariga Dhexe” Jihad Azour”, ayaa bogaadiyay dib u soo kabashada Soomaaliya ka dib dagaallada sokeeye iyo dadaallada siyaasadeed, halka ku xigeenka madaxa Bangiga Adduunka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Victoria Kwakwa, ay ammaantay dib-u-habaynta ku socoto dhaqaalaha dalka oo qeyb ka qaadanaysa dhimista faqriga.

Cafinta deymaha ayaa Soomaaliya ka dhigaysa waddankii 37-aad ee dhamaystira barnaamika (HIPC) tan iyo markii la aasaasay 1996.