7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2023
Qaramada Midoobay oo dalbatay xabad joojin deg deg ah oo laga sameeyo Gaza

Arbaco, December, 13, 2023 (HOL) - Golaha loo dhan yahay ee Qaramada oo kulan aan caadi aheyn ka yeeshay xaalada Gaza ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay qaraar aan wali dhaqan galin oo lagu dalbanayo xabad joojin Bani'aadanimo oo deg deg ah ka dhacda Gaza.

Qaraarkaan ayaa waxaa u codeeyay ilaa 153 dowladood oo xubnaha ka ah Golaha, halka 10 dowladood ay diideen, waxaana ka aamusay 23 dal.

Waddamada si cad u diiday qaraarkaan waxaa ka mid ah Israa’iil iyo Mareykanka oo ku dooday in xabbad joojinta ay faa’iido ku qabto Xamaas.

Qaraarkaan ayaa noqonaya talabadii labaad oo Golaha loo dhanyahay ay qaadaan, waxaana xusid mudan in bishii Oktoobar ay ku baaqeen Golaha xabad joojin bini'aadantinimo oo u codeeyeen 121 dal, halka ay diideen14 dal, waxaana ka aamusay 44 dal.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay qaraarka kuna boorriyay waddamada iney Isra’il cadaadis ku saaraan dhaqangelinta xabbad joojinta.

Jimcihii lasoo dhaafay ayaa qaraar kan la mid ah oo la horgeeyay Golaha Ammaanka uu ku dhamaaday fashil, kaddib marki uu Mareykanka codka diidmada qayaxan ku diiday qaraarka, iyadoo 13 ka mid ah 15-ka xubin ee Golaha ay haa ugu codeeyeen, halka dowladda Ingiriiska ay ka aamustay.

Dagaalka u dhaxeeya Israa'iil iyo Xamaas ee soo bilaawday 7-dii bishii Oktoobar ee sanadkaan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 18,000 oo ruux oo u badan caruur iyo haween, kuwaas oo ku dhintay duqeynta Yahuuda ka geysaneyso marjnka Gaza.