7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2023
Dalalka ka qeyb galay shirka amniga Soomaaliya oo taageeray qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya
 

Arbaco, December, 13, 2023 (HOL) - Waddamada ka qeyb galay shirka amniga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada New York, ayaa waxay taageereen qorshaha horumarinta amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo lagusoo dhoweeyay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada kala duwan, sida amniga, horumarinta dhaqaalaha, dayn cafinta iyo wadashaqaynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shirka waxaa soo agaasimay Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qatar, Sacuudiga, Turkiga, Imaaraadka, Boqortooyada Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka, waxaana kasoo qeyb galay 28 ka mid ah saaxiibada Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirka ayaa lagu yiri, "Waxaan  taageeradayada mudnaanta leh ku caawinaynaa isku-xirnaanta, daah-furnaanta, isku-dubbaridka iyo taageeridda waax amni oo Soomaaliyeed oo lala xisaabtami karo.”

Dalalka shirkan ka qeyb galay ayaa soo dhaweeyay qorshaha horumarinta laamaha amniga ee shirkan lagu soo bandhigay, kuwaas oo ay ku jiraan dhisidda ciidamo iyo hay’ado amni oo tayo leh.

Ka qeyb galayaashu waxay hoosta ka xarriiqeen in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya (SSF) ay isku mar wajihi doonaan dalabaadyo kala duwan, kuwaas oo u baahan doona taageero dibadeed si wax looga qabto daldaloolada muhiimka ah inta lagu jiro xilliga kala guurka.

Soomaaliya oo dhawaan laga qaaday cunaqabataynta hubka ayaa isku diyaarinaysa sidii ciidamada qalabka loo dhisi lahaa si ay uga adkaadaan kooxda Alshabaab, una xaqiijiyaan amniga iyo dambaynta dalka.