7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2023
Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo ka horyimid guddiga ansixina xubnaha baarlamaanka
 

Arbaco, December, 13, 2023 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ka horyimid guddiga xallinta khilaafaad iyo ansixinta xubnaha golaha wakiillada, kuwaas oo uu soo magacaabay madaxweyne Deni.

Labada masuul oo warqado kasoo kala saaray xafiisyadooda, ayaa guddiga uu soo magacaabay madaxweyne Deni, ku tilmaamay guddi aan lagala tashan, sidoo kalena aan haysan kalsooni.

“Waxaan bulshada reer Puntland iyo daneeyayaasha kaleba u caddaynayaa inuusan wax talo ah ku lahayn aysana khusayn Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xubnaha Golaha Wakiilada ee uu magacaaabay Madaxweyne Siciid Deni,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed karaash.

Axmed Karaash ayaa sheegay guddigan inay baalmarsan yihiin dhammaan habraacyadii soo jireenka ahaa ee lagu soo maamulay doorashooyinkii Puntland ka qabsoomay.

Waxaa sidoo kale uu shaki galiyay dhex dhexaadnimadooda isagoo sheegay inuu tuhun ku jiro.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland oo kasoo gudubtay murankii nuuca doorasho iyo shakigii laga qabay muddo kororsiga madaxweyne Deni, ayaa haatan lugaha la gashay khilaaf kale oo cuuryaamin kara habsami u socodka doorashada. walow ay socdaan dadaalo xal looga gaarayo khilaafka jira.