7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2023
Hoggaamiyaha SSC: Dowladda Ingiriiska waxay si bareer ah uga hortimid jiritaankeenna

Arbaco, December, 13, 2023 (HOL) - Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay si cad ugu bareertay inay kasoo horjeedaan jiritaanka SSC- Khaatumo.

Hoggaamiyaha SSC waxa uu sheegay in dowladda Ingiriiska aanay marnaba hor istaagi karin qaddiyadda SSC, ayna leeyihiin awood ay ku difaacaan jiritaanka masiirkooda.

“Doorka Dawladda Ingiriiska ay ka leedahay arimaha SSC waa mid kasoo horjeeda qadiyaddeenna. Way noo bareereen oo ay noo sheegeen inaanay ogoleyn SSC Jiritaankeeda , Waxaanu leennahay inta aanan idinku khasbin inaad diyaaradihiina soo kicisaan, ka Jooga waxaad waddaan, lama Joogo xilligii 1921 , Waanu ka xoog badannahay xilligaa,” ayuu yiri Firdhiye.

Lama oga sababta dowladda Ingiriiska ugasoo horjeeddo qaddiyadda SSC- Khaatumo. Waxaase jira xogo ku saabsan in dowladda Ingiriiska aanay doonayn in xuduudkii waqooyi ee ay jeexday aan laga samayn karin maamul kale.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa SSC- Khaatumo u aqoonsan maamul kumeel gaar ah oo hoostagaya dowladda federaalka.