7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2023
Ururka Kaah oo Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in aanu samayn abaabul danbe oo dagaal

Arbaco, December, 13, 2023 (HOL) -  Urur Siyaasadeedka Kaah ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in aanu gobolka Sool markale ka samayn abaabul dagaal, iyo rogaal celin.

Guddoomiyaha Ururka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi oo warqad Furan kula hadlay Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in anay faa'iido ku jirin dagaal ay hada Somaliland ku qaado Laascaanood.

"Ma aaminsani in ay dani ku jirto in dullaan iyo dagaal dib loo qaado, lakiin dantu waxay ku jirtaa in aad difaaca xoojiso iyo dib u dhiska Ciidanka Qaranka, ee niyad jabka iyo nolol xumadu ku dhacday, kuwaasi oo aanad docdooda daymoon sidii ay u xagal daaceen" ayuu yidhi Xaashi.

Xaashi waxa uu Madaxweynaha usoo jeediyay in mudada kooban ee xilka uga hadhay uu isku dayo in uu qabto doorasho xor oo xalaal ah, isla markaana uu ku dadaalo isku haynta inta soo hadhay shacabka Somaliland.

Waxa uu sheegay in bulshada Somaliland ay u badantahay bulsho danyar ah, oo aan haysan badhaadhe nololeed, waxa uuna ugu baaqay Madaxweynaha in uu ka ilaaliyo khilaaf danbe oo siyaasadeed, oo bulshada dhib u gaysta.

Hoos ka akhriso warqada Guddoomiye Xaashi oo dhamaystiran:-