7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2023
Qaar kamid ah mucaaradka Puntland oo ka horyimid guddiga ansixinta baarlamaanka ee Deni uu magacaabay
 

Arbaco, December, 13, 2023 (HOL) - Qaar kamid ah musharraxiinta madaxtinimada Puntland ayaa ka horyimid guddiga ansixinta baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka doorashada ee uu shalay magacaabay madaxweyne Deni.

Musharraxiintan oo ay ku jiraan garabka hubaysan ee musharraxiinta,  ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu soo magacaabay shakhsiyaad qaraabo la ah isaga, iyo xubno katirsan ururkiisa Kaah.

Musharraxiintu waxay sheegeen in aan lagu kalsoonaan karin guddigan, iyagoo sheegay in madaxweyne Denu uu usoo magacaabay inay u boobaan kuraasta baarlamaanka.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen in madaxweyne Deni uu ku howlan yahay inuu khilaaf ka dhex abuuro beelaha dhexdooda, si uu xildhibaanka uu rabo ugalasoo dhex baxo.

Marka lagasoo tago musharraxiintan waxaa jira musharraxiin kale oo aan hubaysnayn, kuwaas oo soo dhoweeyay guddiga uu magacaabay Deni.