7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2023
Madaxweynaha Somaliland oo aqbalay go'aamadii guddida dhexdhexaadinta ee khilaafka doorashooyinka
 

Talaado, Agoosto, 29, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u aqbalay go'aamadii ay soo saareen guddida dhaqanka ee dhexdhexaadinaysay khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Guddidii dhaqanka ee dhexdhexaadisay khilaafka siyaasada ee mudada badan soo jiitamayay, ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay in madaxweyne Biixi uu aqbalay go'aankoodii.

"Waxaanu halkan uga mahadnaqaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, qodobadii aanu ku dhexdhexaadinay khilaafkii inta badan soo jiidanayay, wuu aqbalay dhamaana wuxuu u qaatay siday ahaayeen" Afhayeen u hadlay guddida ayaa sida warbaahinta u sheegay.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa iyaguna shalay aqbalay go'aanka guddida, sidookale qaar kamid ah ururada siyaasada oo markii hore kasoo horjeestay go'aanka ayaa la sheegay in madaxweynuhu ku qanciyay in ay aqbalaan.

Dhinaca kale guddida beesha ay jabhada Gacanlibaax kasoo jeedo, ayaa iyaguna maanta ku dhawaaqay in ay aqbaleen go'aamadii lagu soo rogay oo ahaa in ay jabhada 5 cisho gudahood buurta kaga soo dajiyaan, isla markaana ay bixiyaan magta askartii ay dhawaan jabhadu laysay.