7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2023
Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo Maanta isku dhiibay ciidanka dowladda
 

Talaado, Agoosto, 29, 2023 (HOL) - Mid ka mid ah hoggaamiyaasha kooxda Al-shabaab ugu caansana deegaanada gobolka Mudug ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Horjoogahaan ayaa magaciisa lagu sheegay Nuur Cabullaahi Maalinguur oo loo yaqaano AK Nuur Deeq, kaasoo ahaa taliyaha ugu sareeyay ciidanka Al-shabaab ee ku sugna la deegaanada gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xaqiijiyay in horjoogahaan uu si rasmi ah isugu soo dhiibay gacanta ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

”Nuur Cabullaahi Maalinguur AK Nuur Deeq wuxuu ahaa taliyaha maleeshiyaadka Khawaarijta ee gobolka Mudug, wuxuuna ahaa hogaamiyihii dagaaladii ugu cuslaa ay ka geysteen Khawaarijtu gobolkan, waxaa intaas dheeraa inuu ganacsatada, odoyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan gobolka Mudug nin soo waca u hanjaba mararka qaarna wuxuu dadka ugu yeeri jirey Xarardheere” ayuu yiri Wasiir Axmed macalin Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale xusay in horjoogahaan uu ahaa shaqsiga hoggaaminaayay dagaaladii qaraaraa ee ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanada maamulka Galmudug.