7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2023
Maxaa ka jira in Feysal Cabdi Bootaan lagala baxay xabsi kuyaala Laascaanood?
 

Talaado, Agoosto, 29, 2023 (HOL) - Taliyihii Guutada 12aad ee Ciidamada Somaliland u qaabilsanaa gobolka Sool, Faysal Cabdi Bootaan ayaa markii ugu horraysay ka hadlayay wararka sheegaya in xabsiga lagala baxay oo ay naftiisa halis ku sugan tahay.

Feysal Cabdi Bootaan ayaa wararkaasi ku tilmaamay kuwo been abuur ah. waxa uu sheegay inuu ku xiran yahay xabsi kuyaala magaalada Laascaanood. Wuxuu caddeeyay in xaaladdiisu ay haatan wanaagsan tahay, uuna la joogo maxaabiistii laga qabtay Somaliland.

“Borobagaandooyinka la leeyahay ninkaas waa lala baxayaa iyo ciidan baa lala baxayaa, waxaas waxba kama jiraan. Anigu goob ammaan baan joogaa. Dadkii oo dhan baa ii shaqeynaya,” ayuu yiri Feysal Cabdi Bootaan oo cod soo duubay.

Feysal ayaa ku baaqay in la joojiyo wararka been abuurka ah. Wuxuu sheegay inuu joogo goob ammaan ah. Wuxuu sheegay inuu la kulmay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif iyo odayaal kale.

Shalay ayay ahayd markii baraha bulshada lagasii daayay in askar gadoodsan oo ku sugan Laascaanood ay qafaasheen qaar kamid ah maxaabiis uu ku jiro Faysal Cabdi Bootaan.

Masuuliyiin katirsan maamulka SSC- Khaatuma ayaa sheegay in maxaabiista lagu qabtay dagaalka la isugu geeyay goob ammaan ah, lana ilaalindoono xaquuqdooda aas aasiga ah.

Waxay sheegeen sinaba in aysan u dhici karin in maxaabiista dhibaato loo geysto.