7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2023
Ciidanka dowladda oo dib uga baxay deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolka Galgaduud

Talaado, Agoosto, 29, 2023 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay dib uga soo baxeen qaar ka mid ah deegaanadii ay dhawaan kala wareegeen kooxda Al-shabaab.

Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay dib uga gurteen deegaanada kala ah Ceel Dheer, Masagawaay, Budbud iyo Galcad oo dhamaantood ka tirsan gobolka Galgaduud.

Warkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay galinkii hore ciidanka dowladdu ay isaga baxeen deegaanka Wabxo, islamarkaana ay dib ugu soo laabteen deegaankaasi kooxda Al-shabaab.

Majirto wax dagaal ah oo laga soo wariyay deegaanadaan ay ciidanka dowladda Fedaraalka dib uga gurteen.

Dhinaca kale Taliyaha guutada 26-aad ee Cali Ibnu Abu-Taalib Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ah  oo ku sugan degmada Ceelbuur ayaa sheegay in ciidanka dowladda meelaha qaar ay uga baxeen istaraatijiyad dagaal.

“Waxyaabo yar yar oo istiraatijiyad darteed dib looga gurtay oo si tartiib ah gadaal looga baxay ayaa jira, ciidanka Ceelbuur qabtayna waa isku filan yahay” ayuu yiri Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.