7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh: Waxaa la joogaa waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa awoodda ciidanka ku tagri falay
 

Talaado, Agoosto, 29, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay in la joogo waqtigii lala xisaabtami lahaa, kuwa uu sheegay  inay awooddii ciidanka la siiyay ku tagri faleen.

“Waxaa la joogaa waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa awoodda ciidanka la siiyay ku tagri falay, qiyaanada sameeyay, dadka mara dab dabeeyay. Waagii lala xisaabtami lahaa bilowgeedii waa la joogaa,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu sheegay sarkaal iyo askari kaste oo ciidanka ku dhex jira oo qalad sameeyay in lala xisaabtami doono. Sidoo kale wuxuu sheegay kuwa ciidanka tashwiishka galiya inay lamid yihiin Shabaab.

Isagoo hadalkiisa wata, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa beeniyay in Shabaabku weerarkii Cowswayne ay ku dileen 180 askari oo katirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha waxa uu sheegay khasaaraha dhimasho ee ugu badnaa weerarkii Cowswayne in uu gaaray kooxda Alshabaab. Wuxuu sheegay inay xabaalo wadareedyo ku aaseen maleyshiyaadkii looga dilay dagaalka.

Wuxuu sheegay waxyaabaha ay soo bandhigeen Shabaabku, inay ahaayeen sawirro la isku jarjaray oo ay ku jiraan weeraro ay horey ugu qaadeen ciidanka Dowladda iyo ciidanka ATMIS.

Madaxweynaha ayaa hadalka ku sheegay farriin uu caawa jeediyay, taasoo uu kaga hadlayay dagaalka Dowladda kula jirto Shabaab. Waxaana hadalkiisa uu kusoo beegmay, xilli ciidamada xoogga dalka ay kasoo baxeen qaar kamid ah furimihii dagaalka ee ay ku jireen.