7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2023
Taliyihii hay'adda nabad sugidda ee NISA ee degmada Doolow oo la dilay
 

Talaado, Agoosto, 29, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo ee Jubbaland, Barre Maxamed, ayaa xaqiijiyay dilka taliyihii hay’adda nabad sugidda  ee NISA ee degmada Doolo, Ibraahim Hilowle.

Guddoomiyaha Doolow ayaa sheegay, dilka taliyaha inay ka dambeysay xaaskiisa uu dhawaan guursaday. Wuxuu sheegay inay ku dishay bistooladiisa, ayna haatan xiran tahay.

Guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay xaaskiisu qiratay inay iyadu dishay, kadib markii loogu yimid iyadoo gacanta ku haysatay bistooladiisa isaguna uu markaas mayd yahay.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay shaki weyn horey uga qabeen xaaskiisa inay xiriir la leedahay oo ay katirsan tahay kooxda Alshaabab.

“Ishaan ka arkaynay naagtaan inay Shabaab tahay. Ninkaan shirqool ayay u dhigaysay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Doolow.

Waxa uu sheegay inuu baaritaan ku socda eedeysanaha.  

Si kastaba ha ahaatee, horey dilal shirqool ah oo ay kooxda Shabaab ka dambeysay ayaa lagu dilay qaar katirsan saraakiisha gobolka Gedo.