7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Talaado, Agoosto, 29, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidanka dib u xureynta deegaanka ay ku lahayeen deegaanka Abooreey oo qiyaas ahaan degmada Buula burte kaga beegan dhinaca Bari ilaa 20 KM.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana dhawaqa hubka qaarkiis laga maqlaayay meelo ka fog deegaanka Abooreey.

Qof ka mid ah dadka deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan oo la hadlay Shabakada HOL ayaa inoo sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ilaa afar ruux oo sadax ka mid ah yihiin kooxda Shabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka.

Xubnahii Shabaabka ee weerarka ku deegaanka Aboorey ayaa wararkii ugu dambeeyay sheegayaan iney dib uga talaabeen Wabiga Shabeelle dhinaca Galbeed ee gobolka Hiiraan oo ay markii horaba kasoo gudbeen.