7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2023
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka oo gacan ku dhigay magaalada Wabxo iyo degaano kale

Isniin, Agoosto, 21, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ee Mucaawisleyda ayaa gacanta ku dhigay magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud, oo kamid ah degaanada istiraatiijiga ah ee Alshabaab gacanta ugu jiray.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Gen. Cabdullaahi Cali Caanood ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qabashada Wabxo iyo degaano kale oo dhowr ah, kaddib howlgal maanta galinkii dambe ay iska kaashadeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga wuxuu sheegay in degaanadan loo xoreeyay hab taatiko ah oo aysan dhici doonin in ay ciidamadu mar dambe kasoo baxaan degaanada laga xoreeyay kooxda Alshabaab.

“Waxaa maantay ciidamadu ay la wareegeen, tuulooyin iyo degmooyin waawayn oo la yaqaano oo ay kamid tahay tuulada Wabxo oo ah magaalo weyn oo ceel biyood leh, oo waro leh, oo dhul daaqsimeed leh, oo u dhiganta degmo. Waxay kaloo la wareegeen tuulada Jaaw, oo cadowgu joogeen oo maxkamad uga dhisnayd, oo amiiradu ka talin jireen xaasasna u joogeen,” ayuu yiri Gen. Caanood.

Gen.  Caanood wuxuu sheegay inay sidoo kale ciidamadu la wareegeen Daaddaale, Gal-qoryaale, iyo Bidde Ciise, kuwaas oo dhamaantood ahaa meelo ay dad degaanayeen oo Alshabaab ay canshuurta ku qaadan jireen.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada dowladda ayaa caawa ku hoyanaya wabxo, ku dhawaad hal sano kaddib markii ciidamadu gudaha u galeen magaaladaas, inkastoo ay isaga baxeen, Alshabaabna ay dib ula wareegeen markiiba.