7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2023
Wasiirka isgaarsiinta oo ka hadlay sababta ugu weyn ay dowladdu u joojinayso Tiktok, 1xbet iyo Telegram
 

Isniin, Agoosto, 21, 2023 (HOL) - Wasiirka isgaarsiinta iyo teknooljiyada xukuumadda Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka hadlay sababta ugu weyn ee ay dowladdu u xirayso isticmaalka baraha bulshada, sida Tiktok, 1xbet iyo Telegram.

Wasiirka isgaarsiinta ayaa sheegay Dowladda inay dhibaato weyn ku qabtay isticmaalka baraha bulshada. Wuxuua si gaar ah farta ugu fiiqay shabakada 1xbet oo ah shabakad caan ku ah lacagaha qamaarka lagu cayaaro.

Wasiirka wuxuu sheegay in askarta dowladda ay gaarsiisay heer ay hubkooda iibiyaan si qamaarka ugu cayaaraan.

“Dhallinyarada askaraha ee qaranka u shaqeeya aad buu ugu faafay 1xbet, oo wuxuu gaaray inay qoryaha kala helaan. Number weyn ayaa jira oo ma ahan wax qarsoodi ah,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirku wuxuu sheegay in si qaldan looga faaidaystay isticmaalka baraha bulshada. Wuxuu sheegay dowladdu in aysan hadda ka gaarin go’aan kama dambays ah, balse ay hakisay, si loo yareeyo waxyeelada ay Dowladda iyo bulshada ku hayaan.

Qaarkood wuxuu sheegay in amniga lagu dhibaateeyo. Qaar kalena wuxuu sheegay in xumaanta lagu faafiyo. Wuxuu sheegay jiritaanka ummadda Soomaaliyeed iyo dhaqankeeda inuu halis ku jiro.