7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2023
Xisbiga Kulmiye ee Somaliland oo doortay hoggaan cusub
 

Isniin, Agoosto, 21, 2023 (HOL) - Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen cusub, iyo musharax madaxweyne iyo musharax madaxweyne ku xigeen.

Xisbiga Kulmiye oo shirwaynihiisii maalintii labaad ka soconayo magaalada Burco, ayaa musharax madaxweyne markale u doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, sidookale musharax madaxweyne ku xigeen ayuu u doortay Wasiir Maxamuud Sacad Saajin.

Xisbiga ayaa sidookale guddoomiye cusub u doortay Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, oo hore u ahaa guddoomiye ku xigeenka xisbiga, sidookale Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo ah siyaasi muddo dheer xisbiga ka tirsanaa ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeen.

"Waxa la ii soo kiciyay muddo dheer ka bacdi in aan idinku soo celiyo xilkii guddoomiyaha Kulmiye ee aad hore iigu igmateen" Madaxweyne Biixi ayaa madasha kaga dhawaaqay in uu iska casilay guddoomiyaha xisbiga kahor intaan Kaahin loo cumaamadin xilka.

Xisbiga Kulmiye ayaa u muuqday in waxkasta lagu sii qorsheeyay doorashada kahor, iyada oo si ka duwan sidii sannadihii hore aanu haba yaraatee wax is qab qabsi ahi ka dhex dhicin xubnihii ku tartamayay hoggaanka xisbiga.